Xeerka/shariciga
ka yaalla UDUGGa ama Carafta qofku marsado
Maxuu
yahay xeerka aan u leenahay udug la’aanta?
Maadaama,
warwar caafimaad darro ahi ka jiro waxyaabaha udugga
leh ama carfta leh ee dadku marsado, Golaha Caafimaadka
Beesha Koonfur-Bari ee Ottawa wuxuu abuuray xeerka udugga
ama caraf la’aanta goobta shaqada. Xeerkaas oo
hirgalintiisu saameynayso dhammaan shaqaalaha, tabarrucayaasha
iyo dadka ku nool deegaanka beesha.
Xaqiiqooyinka
laga helay baadhitaanka dhinaca caafimaadka wuxuu muujinayaa
in waxyaabaha udugga ama carafta leh ay u daran yihiin
dadka leh xasaasiyadda, ama wadno xanuunka ama cudurrada
sambabada. Si loo tixgaliyo baahiyaha caafimaad ee dadka
leh dareemmadaas iyo kuwa aan lahayn dhammaan, islamarkaana
qof walba loongu helo goob shaqo oo caafimaad leh Golaha
Caafimaadka Beesha Koonfurta-Bari ee Ottawa(GCBKBO)
wuxuu mamnuucay in waxyaabaha udugga ama carafta leh
lagu isticmaalo dhammaan qaybaha dhismihiisa ururka.
Maxay
yihiin dhibatooyinka caafimaad ee ay keenaan waxyaabaha
udugga leh?
calaamadaha
lagu garto neefta ama xiiqda
Madax xanuun
Indhaha oo ilmeeya ama qallala
Daalka
Weershanimada
Lalabbada
hindhisada iyo cabburka
murqaha iyo xubno xanuunka
sanboorka
cadaadiska dhiigga oo kaca
dhago xanuun
qanjo bararka
wareer
neefsashada oo kugu adkaata
furuuruc
Maxay
yihiin waxyaabaha udugga lehi?
Shaambooga
iyo kondishinarka
saabuunta
waxyaabaha timaha lagu buufiyo
alaabta la isku qurxiyo
waxyaabaha dhididka lagu iskaga ilaaliyo
waxyaabaha hawada lagu udgiyo
Barafuunnada ragga iyo udugga garxiirka
saliidda la marsado
Parafuunnada
shamacyada
Kiriimka jirka iyo wajiga
Uunsiga iyo fooxa
Reexaanta
Waxyaabaha guryaha iyo dhismayaasha warshadaha lagu
nadiifiyo.
Maxaa la doonayaa inaad samayso?
Markaad soo
booqanayso ururka Guriga Beesha Bilowga Fiican waa Mustaqbalka
Wanaagsan(BFMW) ama Cayaaro-Kooxeedka Carruurta ama
Golaha Caafimaadka ee Beesha Koonfur Bari ee Ottawa,
fadlan ha soo marsanin waxyaabaha udugga leh. Dharkaaga
waxaad ku dhaqdaa saabuunta udug la’aanta ah,
jirkaaga ha ku maydhin saabuunta jirka ee udgoon, ha
isku buufinin diyoodorantaha, timahaaga ha ku dhiqin
shaamboo,hana marsanin barafuun ama catar. Haddii aad
uga shakido waxyaabaha qaar inay udug leeyihiin, ka
isticmaalin.
Waxa muhiim ah oo dhammaanteen masuuliyad inaga saaran
tahay inaynu hubinno sidii aynu Golaha Caafimaadka ee
Beesha Koonfur Bari ee Ottawa iyo Bilowga Fiican waa
Mustaqbalka Wanaagsan(BFMW) labaduba u noqon lahaayeen
bii’aad qod waliba caafimaad laga helo.
|