South-East Ottawa Better Beginnings
Better Futures
Bilowga Fiican Mustaqbalka Wanaagsan ee Koonfur-
Bari ee Ottawa
Maxay tahay Bilowga Fiican Mustaqbalka Wanaagsan(BFMW)?
BFMW waa barnaamij ku salaysan beesha oo taageero u
sameeya waalidiinta iy xannaaneeyaha haysata carruurta
da’doodu tahay 0 ilaa 5 iyo haweenka uurka leh
ee ku nool xaafadaha Heatherington/Albion/Ledbury/Fairlea
ee Koonfur-Bari ee Ottawa.
BFMW waa barnaamij hoos yimaadda Golaha Caafimaadka
ee Beesha Koonfur Bari ee Ottawa
Dhammaan barnaamijyadu waa lacag la’aan
Maxay yihiin barnaamijyada iyo adeegyada ay sameyso
BFMW?
• Kalkaaliye Caafimaad
• Booqashada qoyska
• Cayaaro kooxeed
• Dabaaldegga munaasabadaha beesha
• Nafo siinta
• Xidhiidhinta beesha
• Arrad-tirka iyo dharka
Xaggee ku taalla BFMW?
Guriga Beesha Cayaaro-Kooxeedka
1495 Heatherington Road
Ottawa, ON K1V 8Z4 (In the Albion Heatherington
Telephone: 613-523-2223 Golaha Beesha)
Guriga Beesha
22-1485 Heatherington Road
Ottawa, ON K1V 8Z4 (In the Albion Heatherington
Telephone: 613-523-2223 Golaha Beesha)
Waqtigee furan tahay BFMW?
Guriga Beesha wuxuu furan yahay laga bilaabo 8:30 a.m.
ilaa 4:30 p.m. maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha.
Arrad-tirka iyo dhar bixintu waxay furan tahay maalmaha
Isniinta iyo Talaada laga bilaabo 9 a.m ilaa 4 p.m.
Guriga Beesha waxa laga bixiyaa rooti maalinta Jimcaha
12:30
Cayaaro kooxeedku wuxuu furan yahay maalmaha Isniinta
iyo talaada laga bilaabo 9:30 a.m ilaa 11:30 a.m. iyo
maalmaha Arbacada iyo Jimcaha laga bilaabo 9:30 a.m.
ilaa1. p.m.
BFMW waa goob
ka xarriman udugga, fadlan ha soo marsan barafuun iyo
waxyaabaha udugga leh, waayo dad badan ayaa xasaasiyad
leh.
|