F
Isbedelka uu barnaamijka Bilowga
Wanagasan bulshada ku sameeyey waxa laga dhex arki karaa qof
aniga oo kale ah. Barnaamijkan la'aantiis waxaan ku lumi lahaa
waddankan weyn, caadooyinkiisa, dhaqankiisa iyo luqaddiisa
aanan garaneyn. |
Barnaamijkan waxaan bilaabay in aan ka qeybqaato 1991. Gabadh
ka tirsan barnaamijka Bilowga Wanagsan ayaa markii ugu horreysay
ila soo xidhiidhay. Gabadhaasi markii ay fahamtay in aanan fahamin
luqadeeda, waxay u yeedhay gabadh Soomaaliyeed. Waxay isiiyeen cinwaanka
xafiiska, waxayna ii faahfaahiyeen barnaamijka iyo sida aan taageero
uga heli lahaa. Aniga oo xaafadda ku cusbaa awgeed, maan aqoon meelaha
taageerada bulshada ee ii dhow ay yihiin. Waxaa dhici jirtay inaan
carruurtayda geyn jiray Xarunta Bulshada ee Sandy Hill si ay u arkaan
dhakhtar. Barnaamijka Bilowga Wanagsan wuxuu igu caawiyey inaan
ogaado dhakhaatiirta ii dhow.
Imika sidii hore uguma xidhni barnaamijka waayo wax badan ayaan
bartay. Haseyeeshee, weli waxaan leeyahay booqda qoys oo ii yimaada
mar mar. Waxaan ka qeybqaataa wixii dhaqdhaqaaq ah ee bulshada ka
jira, haddi ay tahay maalinjoog, shirar ama waxyaalo kale kolba
sida waqtigu iigu saamaxo.
Barnaamijkan Bilowga Wanagsan wax badan oo wanagsan ayuu itaray.
Sida haddii aan xanuunsanayo oo aan dhakhtar balan la leeyahay booqdaha
qoyskeyga ayaa i qaada. Haddii waxa dhibaato ah ay ka timaado dhinaca
dugsiga caruurta, ama aan balan la leeyahay xafiiska Welfeerka booqdaha
qoyskaygu wuu iraacaa. Booqdaha qoyskaygu waxa kale uu iga caawiyaa
xagga af-celinta, tarjumaada, la xidhiidhka dadka kale iyo dhinaca
gaadiidka. Waxa uu igu qaadaa baabuurkiisa markaan u baahado.
Inkasta oo aanan si fiican ugu hadli karin luqada Ingiriisiga,
hadana waxyaalo badan ayaan garanayaa imika. Sida waxyaalihii aan
soo sheegay, kuwaas oo aan weli barnmaaijka Bilowga Wanagsan iga
caawiyo. Imika xaafadda ayaan kala bartay; sidaas awgeed, waxyaalo
ayaan keligay qabsan karaa. Markii ugu horreysay waxa carruurtayda
dugsiga geeyay booqdaha qoyskeyga, sababta oo ah maan kale aqoon
dugsiyada iyo meelaha ay ku kala yaaliin. Booqdaha qoysku waxay
i waydiisay carruurta da'dooda. Markaas ayay wiilkayga oo afar sano
ah dugsi geysay, gabadheydana dugsi xannaano caruur. Wax wanaaagsan
ayaan kala kulmay barnaamijka Bilowga Wanagsan, tii ugu weyneyd
waxay ahayd carruurta ay dugsiyada geeyeen. Balamaha dhakhtarka
oo ay igeeyeen oo ay iga caawiyaan in aan dhakhtarka la xidhiidhi
karo ayaa iyaguna wax aad muhiim u ah. Barnaamijkan Bilowga Wanagsan
aad ayuu noolasha iigu fududeeyay.
Carruurtayda waxaan geyn jiray goobta carruurta lagu ciyaarsiiyo
had iyo jeer. Goobtaas anigana waa la igu caawin jiray. Waxa la
iigu bari jiray luqada Ingriisga. Goobtaas caruurta aad ayey wax
u tartaa. Caruurto waxay fursad u helaan in ay carruur badan la
ciyaaran. Taasi waxay ka fiicantahay in carruurta guriga lagu hayo.
Mar marka qaarkood, xiliga xagaaggii carruurta waxa loo saraa
maalin joog. Waxa ay soo arkaan xoolo badan sida fardo, digaag,
lo', geel,uubs, maya, maya, geelo waa Soomaaliya!!! Waxa ay carruurta
maalintaas cunaan cuntooyin kala gedisan. Cuntadaas qaarkood waalidiinta
ayaa diyaarisa, qaarkoodna barnaamijka Bilowga Wanagsan ayaa soo
diyaariya. Arrintaasi wax weyn ayey u tahay carruurta.
Waxaan u maleynayaa in Barnaamijka Bilowga Wanagsan uu waxtar
badan u leeyahay bulshada. Isbedelka uu barnaamijka Bilowga Wanagsan
uu bulshada ku sameeyey waxa laga dhex arki karaa qof aniga oo kale
ah. Barnaamijkan la'aantiis waxaan ku lumi lahaa wadankan weyn,
caadooyinkiisa, dhaqankiisa iyo luqaddiisa aan garaneyn.
Waxaan aad ralli uga ahay waxyaalaha uu qabto barnaamijka Bilowga
Wanagsan. Marka ay jiraan shirar ama waxyaalo kale barnaamijkan
wuxuu hubiyaa in carruurtayda la daryeelo si aan uga qeybqaato.
Haddii kale ima suurtogasheen inaan ka qeybqaato. Sida sharciga
ah booqdaha qoysku waa inuu saddex jeer bishii ii yimaadaa. Haseyeeshee,
haddii wax deg deg ahi jiraan, wuxuu isku dayaa in uu si dhakhso
ah iigu yimaado. Waxaa dhacday in habeen aan xanuusaday oo aan u
baahday in dhakhtarka si deg deg ah u tago. Waxaan telefoon u diray
booqdaha qoyskeyga si uu ii geeyo cusbataalka. Wuxuu halkaas ila
joogay 8dii habeenimo ilaa iyo 4tii aroornimo. Mana garananyo in
waqtigaas uu ahaa mid uu lacag ku qaadanayey. Aad ayaan ugu kalsoonahay
booqdaha qoyskeyga, waxa uu isiiya waqtii badan oo aan ahayn kii
shaqadiisa caadiga ah. Waxa uu si aad ah ugu dadaalaa inuu i taageero.
Waxaan u sheegi karaa booqdaha qoyskeyga waxyaalo badan oo aanan
cid kale u sheegi karin. Waxaan u sheegi karaa xaaladayda dhaqaale
iyo haddii wax isbedel ah ama dhibaatooyin dhinca dugsiga carruurta
ka yimaadaan. Waxyaalaha aan u sheegaa ma aha wax sir ah, laakin
waxii baahidayda ah waan u sheegi karaa, sida haddii guriga cuntadu
ka dhamaato. Waxaan Kanada imid 1992, muddadaas shanta sano ah waxaan
lahaa booqda qoys. Markii aan halkan imid ninkeygu ilama socon.
Waxaan ku dadaalay in uu Kanada yimaado markii aniga sharciga la
ii siiyey. Waxa i caawisay Isuduwaha booqdaha qoyska oo waraaq u
qortay xafiiska Imigareeshinka, Muddo toban bilood gudahooda ah,
waxa loo ogolaaday in ninkeygu uu yimaado. Markii uu yimidna wax
gegeda diyaaradaha ka soo qaaday booqda qoyskeyga oo guriga keenay.
Anigu uma hadli karo qof kasta oo xaafadda ku nool, haseyeeshee,
barnaamiijkani waxyaalo badan oo wanagsan ayuu noloshayda ku soo
kordhiyey. Haddii aanu barnaamijkani jireen indhuhu iima furmeen,
waxay ibareen waxyaalaha jira agagaarkayga iyo meelaha ii dhow ee
aan taageero ka heli karo. Ralli baan ka ahay waxyaalaha uu barnaamijkani
qabto. Laba bilood ka hor waxaan maqlay in barnaamijku dhamaanayo.
Arrintaas maan jecelaysan waayo wax badan ayaan luminayaa. Laakin
imika waan maqalay in barnaamijku sii socon doono, Waxay carruurtaydu
ka qeyb qaadatay dabaaldegii loo sameeyey arrintaas
|