Home
Story Guide
Intorduction
About The Stories
A Note From Leslie
What This Research Is About
Welcome to BBBF
The Stories
A- (Engish)
The Magic Bus
B- (French)
B- (Engish)
Poem page 21
C- (Engish)
D- (Engish)
E- (Engish)
F- (Somali)
Photo page 32
F- (Engish)
Drawing page 35
G- (Engish)
H- (Engish)
Photo page 47
I- (Somali)
Photo page 50
I- (Engish)
J- (Engish)
Drawing on 54
K- (Engish)
L- (Engish)
Photo page 68
M- (Somali)
M- (Engish)
N- (Engish)
Photo page 73
O- (Engish)
Drawing on 74
P- (Engish)
Q- (Engish)
Photo page 85
R- (Engish)
Photo page 91
Story Themes

I

Barnaamijka mustaqbalka wanaagsan aad ayuu ee taageeray markii la ogaaday in wiilkayga maqalkiisu aanu wanaagsaneyn. In badan ayay i caawinayeen.

Waxay ee sheegeen markay gabadhaydu gaadho shan sano inaanan sharci u laheyn inaan ku sii jiro barnaamijka Booqdaha Qoyska. Markaas Booqdaha Qoyskaygu waxay ku dadaashay inay i barto meelaha ee dhow ee aan mucaawimo ka heli karo marka uu barnaamijku iga dhamaado. Waxay ee sheegtaa goobaha wax kasta laga heli karo, meelaha dawooyinka laga helo iyo guud ahaan goobaha mucaawimada bulshada.

Waxaan xaafaddan ku noolaa muddo labo sano iyo badh ah. Waxaan leeyahay laba carruur ah. Waxaan barnaamijka Mustaqbalka Wanaagsan ka maqlay markii ugu horreeysay jaararka. Markaas waxaan tegay xafiiska, halkaas oo aan kula kulmay Isuduwaha booqdaha qoyska. Isuduwaha iyo booqdaha qoys ayaa markaas ka dib guriga iigu yimid. Waxay iiga warrameen barnaamijka. Imika muddo labo sano iyo badh ah waxaan lahaa booqde qoys oo aad iyo aad u fiican.

Waxaan ahay hooyo keli ah. Wiilkayga ugu weyni waxa uu aha labo sano iyo badh marka aan xaafadda soo degay. Markii aan xaafadda soo degay waxaan la hadlay Isuduwaha Booqdaha Qoyska, waxaan weydiiyay in ay suuragal tahay in wiilkaygu tegi karo dugsi xannaano carruur. Isuduwuhu waxay suurtagelisay codsigaygii waqtigaas maan ogeyn in wiilkayga maqalkiisu aanu wanaagsaneyn, waayo aad buu u yaraa oo wuxuu jiray labo sano iyo badh keliya. Dugsiga xannaannada carruurta ayaa gartay inuuna wanaagsaneyn maqalkiisu. Dugsigii ayaa aniga iyo Booqdaha Qoyska noo yeedhay. Waxay na weydiiyeen su'aalo badan. Sidaas ayaan ku ogaaday in wiilkayga maqalkiisu wanaagsaneyn. Imika wuxuu gashadaa qalabka maqalka u kordhiya. Dhakhtarkana si joogta ah buu u arkaa toddobaadkiiba mar. Dhakhtarku wuxuu la soo xidhiidhaa barnaamijka Mustaqbalka Wanaagsan marka ay jiraan waxyaabo la xidhiidha cafimaadka wiilkayga.

Barnaamijka mustaqbalka wanaagsan aad ayuu ee taageeray markii la ogaaday in wiilkayga maqalkiisu aanu wanaagsaneyn. In badan ayay i caawinayeen. Markaas wiilkaygu wuxuu jiray laba sano iyo badh, imikana waa shan jir. Waxay ee sheegeen markay gabadhaydu gaadho shan sano inaanan sharci u laheyn inaan ku sii jiro barnaamijka Booqdaha Qoyska. Markaas Booqdaha Qoyskaygu waxay ku dadaashay inay i barto meelaha ee dhow ee aan mucaawimo ka heli karo marka uu barnaamijku iga dhamaado. Waxay ee sheegtaa goobaha wax kasta laga heli karo, meelaha dawooyinka laga helo iyo guud ahaan goobaha mucaawimada bulshada. Gabadhaydu waa saddex jir waxaanan barnaamijka ku sii jiri karaa hal sano oo dambe. Mar kasta oo aan wax u baahdo, Mustaqbalka Wanaagsan baa i garab taagan. Inta badan bishiiba afar jeer ayuu booqdaha qoysku ee yimaadaa, haddiise ay jirto arrin degdeg ah ama carruurta aan wax ugu baahdo, waxay isku taxallujisaa saan u heli lahaa.

Waxaan keenaa gabadhayda (Mustaqbalka Wanaagsan) kooxdiisa Ciyaarta. Waxaanan u arkaa arrin fiican waayo carruur badan ayay kula kulantaa. Caruusada badanna way yaalliin oo aan gurigayaga oolin. Waxaan leeyahay Booqde Qoys waxaanan tagaa kooxda ciyaarta, haddiise ay jiraan arrimo kale sida xafladdii toddobaadkii hore inta badan waan tagaa. Intay isoo wacaan bay ii sheegaan haddii ay wax jiraan waxayna i weydiiyaan inaan ka qeybqaadan karo iyo inkale. Iyada oo iga mahad celin ah iyo aniga oo beesha ka tirsan awgeed waan ka qeybqaataa. Dhacdo kastaa aniga waa ii fursad aan dadka ku dhexgalo ilmuhuna wxuu helaa carruur ay la ciyaaraan

Waxaan joogay Kanada saddex sano. Intii aanan beeshan u soo guurin, waxaan la noolaa walaashay oo degan meel aan naga fogeyn. Markii aan halkan u soo guuray, xaafaddan waxba kama aqoon, sida xagee miciin laga dayaa, xageebaa adeeg bixisa. Hadda, taageerada Mustaqbalka Fiican awgeed, waxaan isu arkaa ruux aad wax u og waxaanan filayaa inaan dhowaan isku filaan doono. Dhibaatada qudha ii i haysa waa dhibaatada maqalka ee wiilkayga. Arrinta kale waxa weeyaan Mustaqbalka Fiican wuxuu igu caawiyay inaan billabo fasallada ESL (Barashada afka ingiriisiga)ee Isbahaysiga Afrikaanka Canada (Canadian African Solidarity)ee ku yaal waddada Heron. Waxaan u bilaabay waxbarashadan wiilkayga oo taga xannaannada carruurta dugsiga ka dib. Waa tixgelin gaar ah tani oo loola jeedo haddii uu in badan carruur la joogo, wuxuu dhakhso u gaadhayaa heerkooda waxbarasho. Wuu ka dambeeyay dhibaatadiisa maqalka awgeed. Luqadda calaamadaha ee dadka dhegaha la' ayay u dhigayeen dhawr bilood markaas bay arkeen inuusan u baahneyn.

Lahaanshaha booqde qoys waxay caawisay carruurtayda, anigana waxay i siisay kalsooni inaan keligay wax qabsan karo. Galabta, matalan, waxaan aadayaa dhakhtarka carruurta aniga iyo wiilkayga oo keliya. Waxaan hubaa inuu Mustaqbalka Fiicani dadka kale ee beesha ka tirsanna inuu wax u qabto. Waxaan maqlaa dad hadal haya, gaar ahaan Soomalida, oo wanaag badan ka sheeganaya. Waxaanan arkaa iyaga oo dad u qaadaya ballan dhakhtar ama meel kele. Waxaan hubaa haddii ay aniga waxan oo dhan ii qabteen inay dadka kalena sidoo kale ugu qabtaan.

Sidaan jecelahay ugama qeybqaato dhaqdhaqaaqa bulshada. Laakiin booqdahayga qoyska wuu ila socodsiiyaa. Tusaale ahaan, xagaaga waxay carruurta u qaadaan tamashle, jiilaalkiina aniga iyo dumar kale waxay nagu caawiyaan inaanu soo qaadanno dharka dhaxanta; iyagoo gaadiid ku deeqaya dadkana u meel marinaya say ku heli lahaayeen araajida dharka dhaxanta. Waxay nala buuxiyaan qaabka Canshuuraha Dakhliga. Carruurta waxay u hayaan caruusado, iyo maktabad laga ergisto caruusadaha. Caruusadaha waxay noo soo dhegaan albaabkayaga! Waa dad fiican oo caawinaya dad u baahan. Waa daacad. Waxaan runtii jeclaan lahaa inaan weli ka sii helo taageero Booqdahayaga Qoyska marka oo sida tahay iga dhamaado sanadku.