Home
Story Guide
Intorduction
About The Stories
A Note From Leslie
What This Research Is About
Welcome to BBBF
The Stories
A- (Engish)
The Magic Bus
B- (French)
B- (Engish)
Poem page 21
C- (Engish)
D- (Engish)
E- (Engish)
F- (Somali)
Photo page 32
F- (Engish)
Drawing page 35
G- (Engish)
H- (Engish)
Photo page 47
I- (Somali)
Photo page 50
I- (Engish)
J- (Engish)
Drawing on 54
K- (Engish)
L- (Engish)
Photo page 68
M- (Somali)
M- (Engish)
N- (Engish)
Photo page 73
O- (Engish)
Drawing on 74
P- (Engish)
Q- (Engish)
Photo page 85
R- (Engish)
Photo page 91
Story Themes

M

Abaartmanka aan ku noolahay kiradiisu waa qaali marka loo eego magaalada, haseyeeshee taageerada aan ka helo barnaamijka Bilowga Wanagsan awgeed ma jecli in aan meel kale dego.

Waxaan xafaddan soo degay 1994. Waxaan ahaa hooyo keli ah oo haysata ilmo jira laba sano iyo badh. Maan haysan cid itaageerta, haseyeeshee jaararka ayaa ii sheegay in uu jiro barnaamij la yidhaahdo Bilowga Wanagsan oo i siiyey telefoonkooda.

Waxaan telefoon u diray xafiiska Bilowga Wanagsan, waxaan la hadlay Isuduwaha booqdaha qoyska. Isuduwahu way i timid oo si faahfaahsan ayey iigu sheegtay waxyaalaha uu qabto barnaamijku. Waxay ii sheegtay in ay leeyihiin qeyb la yidhaahdo booqdaha qoyska. Waxaa qeybtaas ka shaqeeya dad kala duwan oo rag iyo dumar leh.

Waxaan codsaday in la ii soo diro booqde qooys oo Soomaali ah, sababta oo ah kuma aan hadli kareen luqadda Ingiriisiga. Codsigaygii waa la ogolaaday. Waxaa ii yimid booqdaha qoyska oo Soomaali ah oo si aad ah iigu sii sharraxay barnaamijka.

Taageeroyin badan ayaan ka helay barnaamijkaas. Waxay igu caawiyeen inaan wiilkayga dugsi geeyo iyo inaan buug xisaabeed ugu horreyey ka furto bangiga.Taageero ayaan had iyo jeer ka helaa barnaamijka Bilowga Wanaagsan xataa marka aanu joogin booqdaha qoyskaygu. Abaartmankan aan ku noolahay kiradiisu waa qaali marka loo eego magaalada, haseyeeshee, taageerada aan ka helo barnaamijka Bilowga Wanagsan awgeed ma rabo in aan meel kale dego.

Markii ugu horreysay ee aan waddankan imid waxaan bilaabay in aan barto luqadda Ingiriisiga. Barnaamijka Bilowga Wanagsan ayaa muddo dheer bixinayey lacag ilmaha la iigaga hayo. Weli waan dhigtaa luqadda Ingiriisiga ah. Wax kale oo aan wiilkayga geeyaa goobta carruurta ku ciyaarto ee ka tirsan barnaamijkan. Waxaan ka codsaday in haddii wax shaqo ahi soo baxado la ii tixgeliyo. Labadii sano ee ugu horreyey aad ayaan ugu xidhnaa barnaamijkan. Waxa ay ee qaban jireen waxkasta, sida xidhiidhka aan la lahaa dugsiyada iyo Imigareeshinka Kanada.Imika si fiican ayaan ula xidhiidhi karaa meelahas waayo garashadeyda luquda Ingiriisgu way fiicantahay. Xidhiidhkeyga Imigariishinku siddii hore ma aha sababta oo ah waxaan imika ahay Laandid Imigarant.

Waxaan si joogto ah uga qeybqataa xafladaha iyo barnaamijyada bulshada. Labaddii sano ee ugu dambeeyey waxaan tegay meesha la yidhaahdo Waapoos. Waa meel aad u fiican oo aan jecelahay, waayo waxay i xusuusisaa Somaaliya. Waxa jooga xoolo badan. Wax lacag ah ma bixino, waxkasta waa lacag la'aan. Imika wiilkaygu waxa uu jiraa shan sano. Taas macanheedu waxa weeyaan inaanan sharci u lahayn in uu ka qeybqaato barnaamijka Bilowga Wanagsan. Haseyeeshee, booqdaha qoyskaygu weli wuu i caawiyaa marka aan u baahdo. Sida hooyaday oo dhowaan ka timid Soomaaliya waxa uu ka caawiyaa arrimaha Imigareeshinka. Ma garanayo in ay taasi shaqadiisa ka mid tahay iyo in kale. Imika iima yimaado, haseyeeshee, waxaan ogahay in uu i tageerayo haddii wax dhibaato ahi ila soo gudboonaato. Haddii aan u baahdo waxaan ku kalsoonahay in xafiiska barnaamijka Bilowga Wanagsan uu yahay meesha aan taageero ka helayo. Marka aan wax dhibaato ah kala kulmo dugsiga, booqdaha qoyskeyga ama qof kale oo ka tirsan barnaamijka ayaa e caawiya, iyaga oo dugsiga ee raaca ama macalimiinta la hadla.

Haddii barnaamijkan aanu jireen waxaan rumeysanahay in aan ku lumilahaa wadankan cusub, Cidna lamaanaan xidhiidhikareen, meel aan taageero waydiistana ma garaneyn. Haseyeeshee ka qebqaadashada barnaamijkani waxa ay ee fududaysay in aan waxa barto oo aan keligey is maamulo. Waxaan marar badan isku dayaa in aan dadka meelaha kale ku nool aan qanciyo sii ay xaafaddan u soo degaan. Markasta oo aan la kulmo Isuduwaha booqdaha qoyska waxaan u sheegaa in aan weli jeclahay inaan barnaamijka ku sii jiro inkasta oo weelkaygu uu shan sano jiro.

Taageerada aan barnaamijkan ka helay ma aha mid keligay igu kooban. Wiilkayga ayaa aad uga faaiidaystay. Haddii aan keli ahaan lahaa baahida aan barnaamijkan u qabay ma noqoteen mid badan. Waxa igu kalifay in aan ka qeybqaato wiilkayga oo aad u yaraa iyo aniga oo waddanka ku cusbaa. Tageeradaas inteeda badan waxaan ku helay wiilkayga awgiis. Waxay igu caawiyeen inuu wiilkaygu dugsi tago, inay balamaha dhakhtarka i geeyaan...noolosha oo dhanna way ee fududeeyeen.

Inkasta oo aanan war ka heyn bulshooyinka kale ee aan Soomaalida aheyn, waxa aan dareensanahay in dadka kale ee xafadda ku nool ee caruuta yar yar haysta ay helaan taageerdii aan helay oo kale. Waxa aan garanayaa booqda qoys oo kale oo yimaada xaafadan oo had iyo jeer waqtiga ilaaliya. Aad ayuu barnaamijkan bulshada u caawiyaa.

Waxaa jirtay in aan marar dhowr ah dhibaato kala kulmay masuuliyiinta guriga aan ku jiro oo kirada la igu kordiyay. Booqdaha qoyskeyga ayaa markaas la hadlay oo arintaas xaliyay. Waxa uu i fahamsiiyey in guryaha oo dhami isku mid kiradoodu ahayn. Imika waxaan ku jiraa abaartmant hal qol ah oo ka kiro yar kii hore .

Run ahantii aad ayaan u jecelahay booqdaha qoyskeyga, aad ayuu ee caawiyaa. Had iyo jeer wuu i garab taaganyahay. Guud ahaan barnaamijkan aad iyo aad ayuu ii taageeray, gaar ahaan Isuduwaha booqdaha qoysku. Booqdaha qoyska oo keliya ma aha ee had iyo jeer qof ku caawiya ayaad ka helaysaa barnaamijkan.